Geedkan loo yaqaan baytaraafku cilmi baadhis lasameeyey waxaa lagu ogaaday in geedkan loo yaqaan baytaraafku uu leeyahyfaaiidooyin aad u farabadan

Hadaba waxaan  halkan kuu sheegi doonaa qaar kamida faaiidooyinka uu leeyahay

Geedka baytaraafku

 

 

 

Caafimaadka Wadnaha waa u muhiim: ma tahey bukaan ka cabanaya wadnaha, haddey jawaabtaadu tahey “Haa”, waxa ugu wanaagsan ee aad cabitaan ahaan u adeegsan karto waa sharaabka baytaraafka, waxa uu hoos u dhigaa heerka kolostaroolka, waxaanu yareeyaa khatarta uu ku yeelan karo wadnaha. Sidoo kale waxaa uu hoos udhigaa maadada loo yaqaano Harmoosiin ee jidhka taasi oo dhib ku keenta halbawlayaasha dhiiga.

1.      Waxey hoos u dhigtaa kala dhantaalanka uur jiifka: Cabitaanka baytaraafku waxa uu faa,iido door ah u leeyahay hooyooyinka uurka leh, waxa uu sameeya il laga helo fiitamiin B iyo foolik, kuwaas oo ka caawiya uur jiifka iney abuuranto laf dhabartu, yaraanshihiisuna keeno inuu uurjiifku kala dhantaalmo amaba iyadoo qeybo kamid ahi maqan yihin soo dhasho, Alle ayaa ku shaqo leh abuurka, haddana waxa jira kaabayaal badan oo loo bahan yahey si loo ilaaliyo caafimaadka hooyada iyo kan uur jiifkaba.

2.      Ka hor tag cudurka Kansarka: cilmi baadhisyo ayaa daaha ka rogey in cabitaanka Baytaraafku door weyn ka qaato ka hor taga kansarka maqaarka, kansarka ku dhaca sanbabada, kansarka hunguriga. waxa ku jira maadooyin faa,iido u leh joojinta koritaanka unugyada kansarka.

3.      Caafimaadka Beerka: waxa ku sugan maadada loo yaqaano Baytiin oo kor u qaada shaqada beerka.

4.      Ka hortage dhibaatooyinka habdhiska neefsiga: sideynu kor kusoo xusnay waxa uu ka hor tagaa kansarka ku dhaca sanbabada kuwaas oo aad uga qeyb qaata hab dhiska neefisiga, isla markaana waxa ku jira maadooyin khal khalka ka ilaaliya kiishashka yar yar ee ay hawadu gasho, waxa intaa kuu dheer waxa uu xoojiyaa shaqada unugyada dhiiga ee cad cad kuwaasi oo ka hortaga lana dagaalama cudurada soo galaytiga ah.

5.      Xidhiidhka gogosha: wakhtiyadii hore waxa loo adeegsan jirey cabitaanka baytaraafka iney cabaan lamaanuhu, sababtoo ah waxa la ogaadey inuu ka qeyb qaato kicinta dareemada, waxa kale oo la xaqiijiyey inuu badiyo dheecaanada taranka

6.      Awood kordhiye : cabitaanka baytaraafku waxa ku badan kaarboonhaydaraytka (carbohydrate), taas oo awood badan siineysa jidhka wakhtiyada Ramadaantii ee la soomanyahey.

7.      Xanuunada maskaxda: Botaashiyamta oo yaraata waxey keenta in ay fadhiisato maskaxda qeyb ka mid ah, cabitaanka baytaraafkuna waxa uu kordhiyaa Botaashiyamta oo xataa wadnaha u fiican.

8.      Sunta ayuu ka saara jidhka: si uu jidhku sidii loogu talo galey ugu shaqeeyo waxa muhiim ah in laga saaro wixii sun ah ee waxyeelo gaysan karta, taasna waxa kaa caawinaya cabitaanka baytaraafka oo ay ku jirto maadooyin sunta saara.

9.      Joojiye asaasaq: waxa laysla og yahey in dadka da,da ahi ay ka cawdaan asaasaq, xusuus guur, iyo waxyaabo noocaas ah, waxa la sheegay in cabitaanka baytaraafku leeyahay awood ka hortagis dhibaatooyin badna oo gabowgu keeno.

10.   Dhiig karka: dhiig karku waa xanuun aafo ah dad badana qudha ka jarey, waxa kor u kacaya wareega dhiiga iyadoo ay sababteeda leedahay cidhiidhi ku yimaada xididadii dhiiga, waxaaney wax yeelo balaadhan gaadhsiisa wadnaha , haddaba waxa la ogaadey in cabitaanka baytaraafku ay tahey wax yaabaha ugu muhiimsan ee lagaga hor tago dhiig karka.

11.   Maqaarka qalaley: in maqaarku qalalo isla markaana uu noqdo mid ad-adag oo qalafsan waxa keena unugyada dhintay oo aan laga qashin saarin, cabitaankana wuxu kaa caawinayaa inaad kaga takhalustid unugyada dhintay oo aad hantidid maqaar qurxoon.

12.   Timaha: waxa uu joojiya daadashada timaha iyo jajabkooda.

Xaddi intee leeg baad u baahantahey si aad faa,iidooyinkan u hesho?

Cilmi baadhisyo lagu sameeyay waxey sheegeen in loo baahan yahey hal ilaa laba koob oo cabitaanka baytaraafka ah maalintiiba.

Waxa kale oo fiican inaad tijaabisid haddba sida uu jidhkaagu ula qabsado ileen waxa dhici karta in dadka qaar aaney qaadan Karinba.


 


Waxyaabaha aan ka helno heerka ay gaadhsiisanyihiin

Iyo faaiidooyinka aan ka helnoba  waxaad ka heli kartaa

Halkan hadaba geedkani aad buu muhiim yhy

Isaga faaiiddoyinkiisa

Qaarkle oo lamida kuwii hore  een soo sheegnay

Marlabaad baro faaiidooyinka uu leeyahay

 

§  Barootiinka ku jira 1.6 g.

§  Macdanta Potassium10 g.

§  Macdanta calcium 0.01g

§  Macdanta magnesium5%.

§  Macdanta milixda 78mg.

§  Subaga duxda ku jirta 78mg.

§  Sonkorta ku jirta 430.2g.

FIITAMIINADA AYNU KA HELNO WAXA KA MID AH :

§  Fiitamin c 8%.

§  Iron 4%.

§  Fiitamin b6 5%.

JIDHKEENU MAXAA UU KA HELAA BAYTARAAFKA.

Nafaqooyinka ku jira awgood iyo faaiidooyin badan oo illaa hadda la bayaamin oo ku jira baytaraafka waxa ka mid ah :-

§  Waxa uu hoos udhigaa cadaadiska dhiigga .

§  Xanuunka asaasaqa uu ka hortagaa .

§  Xanuunada ilmaha caloosha ku jira ku dhaca .

§  Hawo-mareenka waxa uu siiyaa awood uu kaga hortago caabuqa sida oofta iyo xanuunada kale.

§  Beerka ,waxa uu awood siiyaa in uu ka hortago dhamman xanuunada beerka.

§  Awoodda xubnaha taranka iyo badqabkooda oo uu ka qayb-qaato.

§  Waxa uu ka hortagaa xanuunka kansarka.

§  Ilaalin iyo badqab uu siiyo indhaha.

§  Waxa uu awoodsiiya is-haysashada jidhka si aad si fudud aad ugu jimicsatid ugu socotid.

CADAADISKA DHIIGGA.

Baytaraafku waxay leeyihiin nitrates si dabiici ah u soo baxa kuwaas oo loo beddelo nitric oxide marka ay soo gasho jidhka ibnu aadamka( uu quuto) . Nitric oxide waxay caawisaa inay dejiso oo ay ballaadhiso xididdada dhiigga , waxay wanaajisaa socodka dhiigga waxayna yaraynaysaa cadaadiska dhiigga. baytaraafku waxa uu u roon yahay cadaadiska dhiigga, aad bayna faa’iido ugu leedahay inay hoos u dhigto cadaadiska dhiigga laba saacadood gudahood.

IS-HAYSASHADA JIDHKA IYO AWOODDA JIMICSIGA.

Madada nitric oxide ee jidhkeenu uu ka helo baytaraafka waxa ay awood siisaa 16% in muddo dheer qofku uu sii jimicsan karo hadii uu sameeyo cabitaan koob baytaraaf ah.

CAAFIMAADKA WADNAHA.

Duxda triglycerides ayaa halis weyn ku ah wadnaha ,baytaraafku waxa uu yareeyaa heerka triglyceride ka iyo cholesterolka ee dhiigaaga dhex-socda iyaga oo loo bedelaayo dux-caafimaad leh.

XANUUNAD ILMAHA -CALOOSHA KUJIRA KU DHACA.

Baytaraafku waa maado ay ku badantahay fiitamin b folate oo kor uqaada caafimaadka ilmaha ee lafta madaxa iyo laf dhabarta .

folate-waxa ay ka hortagtaa xanuunada neerfaha ku dhaca ee ilmaha yar uu darsi karo.

KANSARKA.

Baytaraafka waxa ku jira midabka betacyaninis kaas oo ka hortagi kara koritaanka unugyada kansarka.

XANUUNADA MASKAXDA.

Qulqulka dhiiga ee meelaha maskaxda ka mid ah ayaa yaraada marka ay da’du dhacdo tani waxay keeni kartaa luminta garashada iyo ugu dambeyntii waallida.

Xaaladdan waxa loo yaqaan asaasaqa.

HAWO-MAREENKA.

Faytamiin C, oo laga helo baytaraafka waa anti-oxidant awood leh oo u wanaagsan habka difaaca jirka. Ma aha oo kaliya Faytamiin C waa anti-oxidant awood leh oo ka ilaalinaya jirka ka hortagga xagjirka xorta ah, sidoo kale wuxuu kiciyaa dhaqdhaqaaqa unugyada dhiiga cad oo ah khadka aasaasiga ah ee jirka kaas oo marwalba difaac ugu jira ilaalinta iyo ka hortagga xanuunada.

DHIIGGA IYO BEERKA.

Baytaraafka waxa ku jira maado loo yaqaan betalin oo ka qaybqaadata habka labaad ee lagu saaro sunta dhiiga iyo beerka.

Maadadaas waxa ay kor uqaadaysaa in dhiiggaaga iyo beerkaaguba ay noqdaan qaar ka nadiif ah sunta.

CAAFIMAADKA INDHAHA.

Maadada loo yaqaan beta-carotene ayaa ah maaddo ka hortagta xanuunada indho laa’ntu ka mid tahay kuwaas oo la darsa indhaha.

maadada beta-carotene ayaa ah maado ku badan baytaraafka.

MAALINTII XADDI INTEE LEEG AYUU QAADAN KARAA QOFKU?

Waxa uu qaadan karaa xadii ah xabbadd baytaraaf ah isaga oo ukale qaybinaya wakhtiyada uu qofku uu wax cun

DHIBAATOOYINKA UU LEEYAHABAYTARAAFKU?

Qofku hadii uu badsado oo xaddi badan uu isticmaalo baalintii waxa uu qofku kale kulmi karaa xaaladan :-

§  Xasaasiyad

Hadii aad xasaasiyad aad ku leedahay ,xaaladda ayaa ay kugu sii kordhinaysaa fadlan ha isticmaalin.

§  Dhagaxaanta kelyaha.

Maadaama macdano badan ay kujiraan oo xadigoodu badan yahay qofku hadii u badsado waxa uu la kulmi karaa in milixbadan ku samaysanto kelyihiisa.>>>>