fariin caafimaad oo ku saabsan muuska iyo faaiidooyinka uu leeyahay
hadaba waa maxay faaiidada muusku ?
Muusku wuxu ka mid yahay Khudradaha ugu caansan aduunka. Khudrada muuska oo ka mid ah khudradaha sida joogtada ah ay soomalidu u cunaan ayaa leh Faaidooyin farabadan kuwaas oo badankoodu kobciya caafimaadka Jidhkeena. Halkan waxa lagu soo koobi doona Faaidooyinka ugu muhimsan muuska.
1. Muusku wuxu ka koobanyahay 3 sonkorood (SUGAR) oo kala ah Sugaros, Fractose iyo Glucose iyo waliba maadada loo yaqaano (fiber) ama gas waxayna dhamaantood ka qayb qaatan sidii Enerygy loo siin lahaa Jidhka.
2. Muusku wuxu dawo ka yahay isku Buuqa ama warwarka madax xanuunka leh, cunidiisa aad ayay u yaraysa sida ay sheegtay daraasad lagu sameeyay Maskaxda bani aadamka.
3. Muuska waxa ku jira Vitamin loo yaqaano B6 kaas oo caadi ka dhiga Glucoseta-ka ku jirta dhiiga dawana ka ah cudurka loo yaqaan PMS.
4. Muusku wuxu dawo ka yahay cudurka Anemia ama birta oo ku yaraata dhiiga isagoo kordhiya soo saarka Hemoglobinka.
5. Muusku wuxu dawo ka yahay kor u kaca cadaadiska dhiiga iyada oo ay ku badantahay Maadada loo yaqaan Potassium oo ay ku yartahay milixdu taas oo aad u yaraysa kor u kaca cadaadiska dhiiga.
6. Muusku wuxu awood badan siiya maskaxda isago kor u qaada energyga Maskaxda.
7. Muusku wuxu faaido badan u leeyahay qofka joojinaya cabista sigaarka ama Tobbacada.
qaybta 2aad
muusku waxa uu leeyahay faaiidoyin aad ufarabadan ku waas u muhiim ah bani aadamka, caafimaadka jirka bani’aadanka, kuwaas oo ay ka mid yihiin sida Potassium , carbohydrate sidoo kale waxaa ku jira qaar ka mida aashitooyin jirka faa’idada u leh.
halkanna waxaan kuugu sheegi doonaa qaar kamid ah faaiidooyinka muuska
ee lasoco.
Yareynta Miisaanka: Mooska waxa uu gacan weyn ka geystaa inuu yaraado miisanka qofka, waxaana ku jirat maado lagu magacaabo Karboohaydarood oo la dagaalanta baruurata iyo dufanka, sidoo kale waxay ka qeyb qaadataa inuu miisanka qofka uu hoos u dhaco .
Awood Siin: Mooska waxa uu leeyahy awood siin dheeri ah oo uu jirka siiyo, waxaana inta badan lagu booriyaa dadka sameeya Aalamiitada inay cunaan Mooska ka hor inta aysan sameyn Aalamiitada, kaasi oo jira u siyaadinaayo awood dheeri ah oo u surto galinaysa inuu Aalamiiteeyo 90 daqiiqo oo xiriir ah.
Waxa uu daawo U yahy Habdhsika Dheefshiidka iyo calool fadhiga: waxaa ku jira Mooska nuuc ka mida Buriitiinka geedaha, waxayna qeyb ka qaataan inuu si wanaagsan u shaqeeyo habdhiska dheef shiidka iyo inuu jilciyo caloosha isagoo wax daawo ah aan loo kaalmeysanaynin wax dawooyin ah, waxa uu la dagaalamaa mooska inay xaloosha fariisato.
Waxa uu daawo u yahay Aashitada: waxa uu ka shaqeeyaa mooska inuu daaweeyo oo uu yareeyo Aashitada caloosha si deg deg ah.
Waxa uu daawo u yahy dadka caba Sigaarka: waxa uu dawo caafimaad u yahy dadka cabo sigaarka, kaasi oo kasaara wasaqda sigaarka ka saaro waxa uuna yareeyaa saameynta uu sigaarka uu ku leeyahy jirka, waxaanka ku jira koox fatamiino ah oo ka shaqeysa inay yareeyaan saameynta xun uu ku yeelanaayo sigaarka jirka.
Waxa uu caafimaad u yahy wadnaha: Potassium waa cunsur asaasi ah waxa uuna ka shaqeeyaa inuu ilaaliyaa inuu wadnaha si nabadgalyo ah uu u shaqeeyo waxa uuna habeeyaa dhiig karka, cusurkaan cuntooyinka laga helo waxaa ka mida Mooska,cunista mooska waxay yareysaa cudurada ku dhaco wadnaha wadno istaagga.
Waxaa ilaaliyaa caafimaadka Kaliyaha: Mooska oo la cuno todobaadkii marar dhowr ah waxa uu yareeyaa cudurada ku dhaco kaliyaha 50% tan, maxaa yeelay waxaa ku jira cusurka Potassium, kaaso oo ka shaqeeya inay kiliyaha si caafimaad leh ku shaqeeyaan.
Waxa uu la dagaalamaa Gabowga: Mooska waxaa ku jira Fatamiino aad u sareeyo kuwaas oo ay ka mid yihiin Fatamiin A, iyo C sidoo kale waxaa ku jira Aashitooyin diidaya inay timaado Gabow deg deg ah.
OGAYSIISY = adoo og faaiidooyinkaa uu muusku leeyahy maxaa kuu diiday in aad isticmaasho cunida mooska
0 Comments