27/04/2023
Maanta waxaan idinla
wadaagayaa labo sheeko aad uxiiso leh
Xikmadna xambaarsan
fuley iyo bakhiil midna ma ihi !
Nin ayaa Safar dheer oo uu soo galey
ku yimid Magaalo uu Boqor
ka talinin jirey.
Markiiba inta uu Suuqa dhex istaagey
ayuu ku dhawaaqey kalmadahan
"Bakhayl iyo Fuley Midna Ma
Ihi!!. . Bakhheyl iyo Fuley Midna Ma ihi.
Warkii ayaa loo geeyey boqarkii markaa
ayuu yiri
" ha la ii keeno ninka
Deeqsinimada iyo Geesinimada isku darsadey, Waxa aan u guurin gabadheyda
ee"
Boqorkii ayaa loo geeyey waxaa uuna
weydiiyey " Ma adiga ayaan Bakheyl iyo Fuley midna aheyn?!!"
Waxa uuna ku jawaabey
" Haa Boqor."
Boqorkii ayaa u guuriyey gabadhiisii
waxa uuna aroos qiimo badan uga dhigey Qasrigii boqortooyada.
Maalintii dambe oo uu arooska kabaxay
ayaa Boqorkii u yeerey Afar nin oo Fardooley ah Geesinimadoodana ay ahayd kuwo
uu ku kalsoonyahay waxa uuna ku amrey wiilka gabadhiisa guursadey ee
geesinimada Sheegtay Faras iyo Waran in la siiyo oo ay baxaan marka la joogo
suryo Libaax oo ay ahayd meel ay fadhfadhiyaan Libaaxyo dad Qaad ah, ay dib uga
soo laabtaan, haddii inta uu degto Libaaxa Jilibka u dhigtana ay ku noqdaan oo
ay ka gaaraan Libaaxyada badan ee halkaa ku sugan si ayna u kala dafin Waa
Geesi ee.
Haddii uu ka soo daba Cararana ay
keenaan waa beentii oo waa Fuley ee.
Balse markii ay ka soo carareen ayaa
inta uu Faraskii ka degtey uu Jilibka u dhigey Libaaxyadii oo warankii isula
baaciyey.
Markiiba waa ay ku soo noqdeen oo ay
ka soo wadeen ayaga oo ogaadey in uu run Sheegayey oo uusan fuley ahayn.
Boqorkii markiiba waxa uu wiilkii ku
amrey in uu ka guuro oo Magaalo ka fog dego isaga oo toddoba Rati u rarey oo
biyo iyo raashin isugu jirey, Magaalada markii uu saacado ka socdey ayaa waxaa
ka horyimid reero dhibaato ay ka muuqato oo Oon iyo gaajo bastood la ah.
Intii uu joojiyey awrtii ayuu raashin
iyo biyo siiyey hal Ratina u qaley, hal saac markii ay socdaan ayaa hadana
waxaa ka hor yimid dad badan oo ay dhibtii oo kale ka muuqato waxa uuna sidii
oo kale u qaley Rati kale isaga oo raashin iyo biyo wixii uu hayey siiyey.
Dadka dhibaateysan waxa ay ahaayeen
kuwo isdaba qulqulayey ee markii uu hal Rati u harey ayuu boqorkii amray in
laga gaaro oo loo keeno.
Markii Boqorkii loo keeney ayuu
weydiiyey " Wiilkeygiiyoow Ma tihid Bakheyl iyo Fuley Midna ee Maxay ku
dhacdey in aad noqon weydo?!!".
Markaa ayuu sheekadan bilaabey in uu
uga sheekeeyo Boqorkii
Waxaan ahayn reero uu illaahey siiyey
xoolo afar adduunyo oo si weyn u dhaqan, Geel, Lo, iyo Ariba waxaana jirey in
reerkanaga ay qabiil kale col ahaayeen oo ay dagaalami jireen, habeen ayaa afar
rag ah oo aan kamid ahaa loo direy ceelasha in ay ka soo arooraan maadama cabsi
lagu jirey iyada oo ay saddexdii kale ceelka Shubayaan anigana aan Waardiye
ahay ayaan halmar ku baraarugey Rasaas is qabsatey dhulka ayaan isku tuurey oo
aan dhabacdey, madaxa haddaan kor u qaadeyna waxaan arkey saddexdii saaxiibadey
aheyd oo meyd ah ceelkana dushiisa yaala kuwaas oo aan nafba dhulka kula
dhicin, waan ordey waxa aana isku tuurey Ceel Mas weyn looga caagey oo aan laga
dhaansan, meel dhexe oo ceelka jambiyadiisa ah ayaan lugta lahelay waxaana
qabsadey Karkaar .
Maskii oo ka yaabey waxa Ceelka
gudihiisa ku soo dhacey ayaa isoo aadey, isaga oo xabadkeyga ku soo socdey
illaa uu sankeyga dhegta iga saarey bal in aan ahay geed ceelka ku soo dhacay
iyo inaan ahay wax nool.
Intii aan neefta isku celinayey si
uusan Masku ii cunin ayeey Raggii cadawgeyga ahaa ku soo ordeen ceelka waxa
ayna dhaheen "wakaas..wakaas." iyaga oo toosh igu soo ifinaya bahal
xabad ahna igu soo rideen Markaa ayaa Maskii Sankeyga neefta ka dhegeysanayey
inta ay madaxa uga dhacdey Ceelka gudaha ugu tuurtey, baf..baf...baftii Maska
markey maqleen ayey dhaheen "War inaga keena wakaas waa dhintey ee"
Marka waxaan fuley u noqon waayey
illaaheygii labadaas cadow ee Maskii rabey in uu i cuno iyo xabadii rabtey in
ay i disho isu bixiyey ayaan ogaadey in markuu rabo uu nafta iga qaadi karo oo
cid kale oo wax i yeeli karta ayna jirin Sidaas ayaan FULEY u noqon Waayey.
Markaa ayaa iyana la weydiiyey
"Maxaad Bakheyl u noqon Weydey".
Sheekadii ayuuna halkii ka sii wadey.
Subixii ayaan Ceelkii ka soo baxay
reerkii ayaan soo aadey Mise habeenimadii ayaa la mirey oo xoolihiina la dhacey
gurigeygii oo waxaan dul imid ay meyd yihiin Afadeydii iyo Wiil yar oo aan
dhaley.
Waan soo lugeeyey reerka Walaalkey oo
deganaa meel lix saac loo socdo ayaan soo aadey markii aan u imidna waxaan u
sheegey dhibaatadii na soo gaartey iyo in reerihii la baabiyey.
Waxaan ka codsadey in uu xoolo i siiyo
balse waxa uu ogolaadey Lax caato ah oo uu duuf ka daadanayey taas oo raaci
kari weydey xoolihii kale oo ceelasha loo arooriyey.
Waxa uuna i yiri " jidka ku sii
mar".
Iyadii ayaan soo watey ee markii aan
saacado badan socdey ayaa intaan meel fadhistey aan Madag dab ka baxsadey oo
intaan qashey laxdii Caatada ahayd aan dubasho ugu dhaqaaqey.
Aniga oo hilibkii cunaya ayaa waxaa
iga daba yimid walaalkey oo reerkoodii intii la weerarey Xoolihii laga dhacey
ileen dadka aan Cadowga ahayn kuwo dagaal qabiil naga dhaxeeyo oo isku mid
ayaan u aheyn waxa uuna yiri "Walaal laxdii xumeyd ee aan saaka ku soo
siinayey ayaa maanta wax inoo wada ah".
Waxaan BAKHEYL u noqon waayey
illaaheygii xoolihii uu walaalkey iga lexa jeclaystey ee badey in aan wado Cuno
hilibka laxdii caatada aheyd ee diifka kasocdey ayaan ogaadey in aanan Ceshan
karin wax uu iga qaadayo sidoo kalana aanan la ii diidi karin wax uu i siinayo.
Boqorkii waxa uu u magacaabey
lataliyaha Qasriga Madaxtooyada isaga oo ka dhigtey Hawl wadeenkiisa gaarka ah
kadib markii uu ogaadey in uu runta sheegey.
Maxaa kaaga baxey Sheekada?
Sheekada kale
waatan
Sheekada kalena waxa weeye, nin ayaa isaguna
maalin soo kaxeeyay xaaskiisi si ay suuqa uga soo adeegtaan Kaddibna waxa uu ku
yidhi: “Waxa aan doonayaa hadyad [=gift] ‘hooyaday’ u iibiyo, ee bal dookhaaga
iyo damacaaga iigu door” Illeyn kasha aadanaha doonis iyo dareen kama
dhamaatee, gabadhii la yidhi dookhaaga cug oo ciyaar, hawaawiga nafta aadanaha
iyo hammigeeda haddoodilan ayaa gabadhii hillinkii ka habaabiyay; oo waxa
ay doortay hadyad qiimo yar oo rakhiis ah (iyada oo laabta ka ogsoon in
hadyadani meel kale u socoto, sidaa daraaddeedna xil badan iska saarin).
Ammintii xigtay ayaa uu ninkii
afadiisi gurigii ugu yimi, isaga oo 'hadyadii' ay laftigeedu xushay farta ka
saaray {sababta uu iyada u gu soo celiyayna – oo ahayd in uu dareensiiyo
ahaanshiyaha nafteeda}
Isla markaas, marwadii inta ay
anfariirtay oo welwel iyo walbahaar maankeedi qabsaday, ayay qalbegeedi kula
xanshaashaqday ereyo tahliil iyo tiiraanyo leh oo u dhignaa sidatan: (“Aheey
way’ iyo ciil weynaa, ogobeey, haddii aan ‘hadyaddan mid ka cuddoon oo ka
cajiibsan xuli lahaa – caawaba anaa hantiyi lahaa!”)
Dulucda sheekadu sheekadu waxa ay innoo
bayaaminaysaa in shay kasta oo fayow oo aad ‘naftaada’ la jeclaatid aad
jaarkaagana la jeclaatid.!
adiguna waxaad ka fahantay noo soo qor akhrista
0 Comments